Cudurka Shuban Biyoodka Oo Ka Dilaacay Deegaano Hoostada Degmada Mahaddaay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Cudurka Shuban Biyoodka Oo Ka Dilaacay Deegaano Hoostada Degmada Mahaddaay

Wararka aan ka heleyno Tuulooyin badan oo hoosyimaada Degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayan in halkaasi uu ka dilaacay Cudurka Shuban Biyoodka.

Ugu yaraan 50 Carruur ayaa hadda la xaqiijiyay in ay Xanuunkaasi u dhinteen todobaadkaan Gudihiis inta lagu jiray.

Maamulka Degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay Codsanayan in Gargaar deg deg ah loo fidiyo islamarkaana la siiyo Dadka uu Xanuunku soo ritay daawooyin lagula Tacaalo.

Isbitaalada Degmada Mahaddaay ayaa hada waxaa jooga ku dhawaad in ay ka badan 100 Ruux oo la il daran Cudurka Shuban Biyoodka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!