Cudur aan la garan oo dhowr qof ku dilay Bakool * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Cudur aan la garan oo dhowr qof ku dilay Bakool

Bardaale – Mareeg.com: Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in xanuun ilaa iyo hadda la aqoonsan uu dad badan ku dilay degmada Bardaale ee gobolkaas.

Gudoomiyaha degmada Bardaale, Maxamed Isaaq Xassan ayaa sheegay in dad gaaraya 20-qof ay u dhinteen xanuunka. Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in cudurkaas ay u dhinteen xoolo.

‘’Cudurka ilaa iyo hadda waan la yaabanahay, qofka markuu ku dhaco beerka ayuu ka bararaya, calooshana wuu ka weynaanaya, garbahana wuu ka dhuudhuubanaya kadibna wuu dhimanaaya,’’ ayuu yiri Maxamed Isaaq Xassan oo la hadlayey VOA.

Gudoomiyaha degmada Bardaale ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Hay’addaha samafalka in ay usoo gurmadaan, isagoo sheegay in degmada aan lahayn wax isbitaal ah.

Dadka deegaanka ayaa waxaa soo wajahay cabsi weyn, maadaama cudurkaasi dad badan dilay, islamarkaana aysan jirin xarrumo caafimaad oo la tacaala haddii uu dad kale soo rito.

Degmadaas ayaa ka mid ah degmooyinka aysan ka jirin adeegyada bulshada, wuxuuna gudoomiyuhu sheegay in dadka cudurkaani ku dhaco loo qaado Muqdisho iyo magaalooyin kale.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!