Col. Tuuryare oo loo magacaabay Agaasimaha Hayada Nabadsugida Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Col. Tuuryare oo loo magacaabay Agaasimaha Hayada Nabadsugida Soomaaliya

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Agaasimaha Hay’adda Nabad Sigudda Soomaaliya u magacaaby Col. C/raxmaan Maxamed Tuur-yare oo ahaa gudoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida, horyan uga tirsanaa jiray hay’adda nabad Sugidda.

Inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin magacaabist Col. Tuuryare, haddana Ilo Xogogaal ah ayaa Mareeg Media u sheegay in madaxweyne Xasan uu xilkaas u magacaabay C/raxmaan Tuuraye, kadib markii uu maanta aqbalay soo jeedintii Golaha Wasiirada ee xil ka qaadist Taliyihii hore C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Agaasimaha Cusub ee Hay’ada Nabad Sugida Qaranka, C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa horay usoo noqday:

1-Taliyaha CTU” Counter Terrorism Unit” oo ow Laba Sano hayay

2- Taliyaha Hogaanka Xariirka Dibadda.

3- Taliyaha Hogaanka Baarista danbiyada

4- Taliyaha Hogaanka Tababarada & Qorsheynta oo ah Xilkii ugu danbeeyay ee ow ka haayay NISA

5- Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida, woxow Darajada Ciidanka ka gaaray G/le sare.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.