
Read Time:23 Second
Muqdisho( mareeg news ) War qoraal ah oo uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuub Macalin ayaa lagu sheegay in shaqadii ururka u hayay laga Ceyriyay Col. Gabre Egziaber oo ah Sarkaal Itoobiyaan.
Gabre ayaa Ururka ugu magacownaa La Taliye sare ee arrimaha Siyaasadda ee Xoghayaha Guud ee IGAD.
Xilka haatan laga qaaday ayaa loo magacaabay June 17, 2017-kii.
Gabre ayaa sidoo kale kasoo shaqeeyay Xafiiska Fududeynta arrimaha nabadgelyada iyo dib u heshiisiinta dalka Soomaaliya.

About Post Author
Ahmed weheliye Gaashaan
freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com