Cod U Qaadista Raysul Wasaaraha Cusub Oo Dib Loo Dhigay Waqtina Loo Qabtay

Read Time:42 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dib u dhigay xilliga R/wasaaraha cusub Cabdiweli Sheekh Axmed oo hor imaanayo si loogu qaado codka kalsoonida.

Baarlamaanka oo maanta lagu weday in madaxweyne Xasan horgeeyo R/wasaare Cabdi Weli ayaa dib u dhac ku yimid, iyadoo taas sabab looga dhigay arrimo farsamo.

Xog-hayaha guud ee baarlamaanka Soomaaliya xildhibaan Cabdil Kariim Xaaji Cabdi “Buux” ayaa sheegay in dib u dhacani ku yimid arrimo farsamo.

Wuxuu sheegay xildhibaan Cabdil Kariim Buux in R/wasaaraha cusub Cabdi Weli Sheekh Axmed uu baarlamaanka horimaan doono maalinta sabtida ah ee bishaan Decembere ku beegan tahay 21.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 22-kii bishaan R/wasaare u magacaabay Cabdi Weli Sheekh Axmed.

15-kii bishaan ayaa gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ka codsaday madaxweynaha inuu 18-ka bishaan baarlamaanka hokeeno R/wasaraaha cusub.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %