Cismaan Cilmi Boqore oo loo doortay Gudoomiyaha KMG ee golaha Shacabka Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Cismaan Cilmi Boqore oo loo doortay Gudoomiyaha KMG ee golaha Shacabka Soomaaliya

Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho lagu soo gabo gabeeyay dhaarinta Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana dhaarinta kadib la magacaabay labada Gudoon ee si KMG ah usii wadaya howlaha Baarlamaanka.

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ahaa ninka ugu da’da weyn Xildhibaanada Aqalka hoose ayaa loo doortay in uu noqdo Gudoomiyaha KMG ee golaha Shacabka Soomaaliya inta laga soo dooranayo Gudoonka cusub ee Baarlamaanka.

Waxaa sidoo kale Gudoomiyaha KMG ee Aqalka sare isna loo doortay in uu noqdo Xildhibaan Maxamed Xuseen Raage oo isna la sheegay in uu noqday xubinta ugu da;da weyn xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Gudoonkan KMG ah ee loo doortay labada Aqal ayaa sii Gudoomin doona kalfadhiga Baarlamaanka labada Aqal inta laga dooranayo Gudoonka rasmiga ah ee Baarlamaanka Labada Aqal ee kan sare iyo kan hoose .

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!