Cirfo “Fallaago ah ayaa qabsatay Dhuusa Mareeb, Ahlusuna ma ahan”

Read Time:59 Second

Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye (Cirfo) ayaa sheegay in dhowaan ay dib ugu laaban doonaan degmada Dhuusa Mareeb, halkaasoo maalintii Axadii ay la wareegeen xoogag taabacsan Ahlusuna Wal-jameeca.

Cirfo ayaa sheegay in koox fallaago ah ay qabsadeen, isagoo xusay in Culimada Ahlusuna aanay ku duulin deegaan nabad ka jirta, waxaana uu wacad ku maray in dhowaan gacanta maamulka gobolka ku soo celin doonaan.

“Fallaago ayaa qabsatay meesha, Ahlusuna ma ahan, meel nabad ka jirtana kuma duulaan Culimda Ahlusuna, waxaana dhowaan rajeyneynaa in Dhuusa Mareeb dib gacanta dowladda ugu soo laabato”ayuu yiri Cirfo oo shalay wariyeyaasha kula hadlayay degmada Cadaado.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Dhuusa Mareeb ay tahay xarunta Maamulka Mudug iyo Galgaduud, isla markaana ay nasiib darro tahay in deegaankaas oo horumaro kala duwan ka jireen in duulaan lagu qaado.

Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Cirfo ayaa xilligii Ahlusuna la wareegayeen Dhuusa Mareeb ku sugnaa magaalada Jigjiga, halkaasoo ay ka socdeen shirar lagu xalinayay dagaaladii ka dhacay xuduuda.

Xoogaga Ahlusuna ayaa wada dhul ballaarsi, iyadoo shalay la wareegay deegaano u dhow dhow Dhuusa Mareeb, si ay u xaqiijiyaan difaaca magaalada, waxaana sarkaal u hadlay Ahlusuna uu sheegay in horay gacanta ugu hayeen magaalada.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.