Cirfo: Dagaalka Galgaduud waxaa wada Ahlsunada waana gardarro

Read Time:50 Second

Mareeg.com: Gudoomiyaha gobalka Gal-gaduud ee dowladda Soomaaliya, Xuseen Cali Wehliye Cirfo oo shir jaraa’id ku qabtay degmada Dhuusamareeb ee gobalkaasi ayaa ka hadlay dagaalo dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuw Ahlusuna Waljamaaca.

Gudoomiye Cirfo ayaa dagaalka ka bilwoday qeyb ka mid ah Galgaduudaha ku eedeeyey inuu ka dambeeyo ururka Ahlsuna Waljamaaca.

Wuxuu sidoo kale sheegay Cirfo in dadka dagaalka wada ay shacabka u horseedayaan dhibaato iyo fowdo ka bilaabata gobalka Gal-gaduud.

Cirfo ayaa sidoo kale qaba in Ahlu-sunna uga golleedahay dagaalka maalintii 2-aad galay arbushaadda maamulka la doonayo in loo sameeyo gobalada Mudug iyo Gal-gaduud.

Gudoomiye Cirfo ayaa soo jeediyey in dagaalada nuucaan ah laga waantoobo, isagoo ku tilmaamay dagaal gardarro ah.

Degmada Dhuusamareeb oo saaka dagaal uu ka dhacay xaalad ahaan waa mid degan, waxaana degmadaasi oo idil gacanta ku haya ciidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Deegaankaa Guriceel ayaa isna waxaa shalay galab dagaal kula wareegay ciidamada Ahlsunna Waljaamaca, waxaana lasoo sheegayaa in xaaladda halkaasi maanta degan tahay.

Mareeg Media

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %