Ciraaq: Walaac ka jira xaaladda magaalada Tikrit oo dagaal xoog leh ku socdo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciraaq: Walaac ka jira xaaladda magaalada Tikrit oo dagaal xoog leh ku socdo

Mareeg.com: Iyadoo maalintii 4-aad ciidamada dowladda Ciraaq iyo maleeshiyaar Shiico ah oo Iran taageerto ay duulaan kusoo wadaan magaalada Tikrit ee ay gacanta ku hayaan dagaalyahanada Dowladda Islaamiga ah (Daacsh) ayaa soo baxaya walaac sii kordhaya oo ku saabsan xaaladda dadka rayidka ah ee ku dhaqan magaaladaas.

Qaramada Midoobay ayaa dirtay kolonyo baabuur ah oo sahay u sida kumanaan dad ah oo la aaminsan yahay inay ku barakaceen magaalada oo ay heystaan kooxda la baxday Dowladda Islaamiga.

Aqalka Cad iyo hey’adaha caalamiga ee xuquuqda aadanaha ayaa ka digayay halista ka dhalan karta aargudasho ay sameeyaan maliishiyooyinka Shiicada ah ee Iran ay taageerto, kuwaasi oo door weyn ka cayaaraya dagaalka.

Dowladdu Iran ayaa dooneyso inay hareereyso oo ay gabi ahaanna go’doomiso magaalada Tikrit iyo meelaha u dhaw dhaw ka hor inta aanay xoog ku galin, sida ay dooneyso.

Markii sanadkii hore Daacish la wareegtay magaalada Tikrit ayaa waxaa halkaas lagu laayey dad badan oo Shiico ah, waxaana laga cabsi qabaa iney maaleeshiyaarka Shiicadu ka aargutaan dadka Suniyiinta ah.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!