Mareeg.com:Mas’uuliyiinta Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare oo maanta warfidiyeenada kula hadlay xarunta Wasaaradda ee degmada Hodan ayay kaga warbixiyeen deeq waxbarasho oo ay Dowladda Soomaaliya ka heshay dowladda Ciraaq iyo sharuudaha looga baahanyahay ardayda ka faa’ideysanaysa deeqdaasi oo taridoodu lagu sheegay 352 arday.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare Ismaaciil Yuusuf Cismaan oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in deeqahan waxbarasho ay yihiin kuwa loogu faa’iideynayo ardayda Soomaaliyeed, isagoo si gaar ah arrintaasi uga mahadceliyay mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Ciraaq.
Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir ku-xigeenka Hidaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Axmed Kulan ayaa uga mahadceliyay dowladda Ciraaq kaalmada waxbarasho ee ay ardayda Soomaaliyeed u fidisay, isagoo xusay in deeqdaasi ay ardayda Soomaaliyeed ee ku nool gobolada dalka si cadaalad ah u gaarsiin doonaan, ayna u saareen guddi ardayda ka faa’iideysanaysa deeqahaasi imtixaan ka qaada.
“Wasaradda iyo Xukuumadda Soomaaliya waxa ay Ummadda Soomaaliyeed u soo bandhigeysaa deeqo waxbarasho oo aan ka helnay Dowladda Ciraaq, taasi oo ka kooban 352 kursi, ciraaq waxaan la leenahay cilaaqaad soo jireen ah, weligoodna shacabka Soomaaliyeed ayay caawin jireen” ayuu yiri ku-simaha Wasiirka.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Hidaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale uga mahadceliyay dowladaha Ciraaq la garabtaagan deeqaha waxbarasho kaddib markii ay Soomaaliya ka soo kabatay bur bur in muddo ah daashaday.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.