Ciraaq oo sheegeysa in la dhaawacay Amiirka Dowlada Islaamiga

Read Time:33 Second

Waxaa jira warar sheegaya inuu dhaawacmay hogaamiyaha xoogagga dowladda Islaamka ee Ciraaq Abubakar Albaqdadi.

Wasiirka difaaca ee Ciraaq ayaa sheegaya in Abu Bakr al-Baghdadi uu ku dhaawacmay weerar ay qaadeen ciidamada xulafada ah ee uu Mareykanka hogaaminayo.

Wasiirka ayaa tilmaamay in arrintan ay dhacday kaddib weerar lagu qaaday kullan ay la haayeen hogaamiyayaasha I-S oo lagu bartilmaameedsaday magaalada Mosul maalintii Jimacaha ee aan ka soo gudubnay.

Balse militariga Mareykanka waxa uu sheegayaa inaysan jirin warar arrintaasi la xiriira oo dowladda Ciraaq ay u soo gudbisay.

Afhayeen u hadlay Mareykanka ayaa tilmaamay inaysan xaqiijin karin in al-Baghdadi uu joogay goobta Markii xulafada ay duqeynayeen nawaaxiga magaalada Mosul.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %