Ciraaq: Dagaal culus oo ka socda magaalada Tikrit ee Daacish maamuleysay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciraaq: Dagaal culus oo ka socda magaalada Tikrit ee Daacish maamuleysay

Mareeg.com: Ciidanka Ciraaq ayaa galay dagaal culus oo ay kooxda daacish uga saarayaan Tikrit, oo ah magaalada uu ka soo jeedo hoggaamiyihii hore ee dalkaasi Saadaam Xuseen.

Taliyaha mid ka mid ah guutooyinka shiicada ee isku dayaya inay hareereeyaan Tikrit ayaa sheegay in dagaalyahannada Daacish ay weli gacanta ku hayaan qiyaastii 70% magaalada.

Laakinse wuxuu sheegay in xoogaggiisu ay rajaynayaan in ay magaalada ku qabsadaan usbuuc gudihiis, xitaa haddii ay arrintaas ku lug yeelato dagaallo jidadka lagu galo.

Dadka siyaasadda indhaindheeya ayaa qaba in haddii Daacish lagu jebiyo bartamaha dhulka ay degaan Sunniyiinta ee Ciraaq, ay soo gaari doonaan dharbaaxooyin isugu jira kuwo maskaxeed iyo kuwo istaraatijiyadeed.

Ciidamada ku duulay magaalada Tikrit ayaa ka kooban 3 kun oo ka tirsan ciidamada Ciraaq iyo 20 kun oo maleeshiyaad Shiico ah iyo maleeshiyo aan badneyn oo kasoo jeeda beelaha Suniyiinta dalkaas.

Magaalada .

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!