Ciqaabta uu la kulmayo qofkii qaad lagu qabto gudaha Britain

London – Mareeg.com: Laga bilaabo maanta 24/06/2014 waxaa dalka Britain laga mamnuucay qaadka, iyadoo dalkaas noqday dalkii ugu dambeeyey ee reer Yururb qaadka ka dhiga dambi.

Haddaba maadaama qaadka la mamnuucay waxaa Britain soo saartay sharci iyo ciqaab la marinayo ciddii qaadka lagu helo.

Qofkii lagu helo inuu jebiyey sharciga lagu mamnuucay qaadka waxaa la siinayaa digniin, waxaa ku xiga ganaax dhan 60 Pound, iyadoo markaas kadib ciqaabka xiga uu yahay xabsi kala duwan.

Qofkii lagu helo isagoo qaad cunaya waxaa lagu ciqaabayaa xabsi gaaraya 2 sanadood, halka qofkii lagu helo inuu ka ganacsanayo lagu xukumayo ilaa 14 sano oo xarig ah.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa qaadka ka dhigtay (Class C drug), waxaana sharcigan si toos ah uga dhaqan galayaa Scotland, Northern Ireland iyo waliba Wales iyo dhamaan dalka UK.

Dhanka kale, Soomaalida ku nool UK ayaa afkaaro kala duwan ka bixiyey mamnuucista qaadka, qaar ka mid ah Soomaalida ayaa soo dhaweeyey, halka qaar kale ay ku doodayaan iney ka dacwoonayaan qaadka laga joojiyey.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245