Ciidmada Soomaaliya iyo Amisom oo gudaha u galay degmada Maxaas ee Hiiraan

Maxaas – Mareeg.com: Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee ka midka ah AMISOM ayaa saaka arroortii gudaha u galay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kadib markii ay shalay galab Alshabaab isaga baxeen.

Ciidamada Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa shalay ilaa xalay ku sugnaaa daafaha degmada Maxaas, iyagoo saaka galay degmada, islamarkaana bilaabay baaritaan.

Muumin Maxamed Xalane oo ah gudoomiyaha degmada Maxaas ayaa warbaahinta u sheegay in degmada Maxaas soo gashay gacanta ciidamada isgarabsanaya iyadoo uusan dhicin wax dagaal ah.

Wuxuu sheegay Muumin iney sugayaan amaanka dadka ku nool degmada, islamarkaana ay u dhaqaaqayaan deegaanada miyiga ah ee ay u baxeen Alshabaab-kii ku sugnaa degmada Maxaas.

Maxaas waa degmadii 8-aad ee Alshabaab laga saaro tan iyo markii dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika bilaabay howlgal ciidan oo ka dhan ah Alshabaab.

Mareeg Media

 

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245