Ciidmada Dowladda iyo Amisom oo Alshabaab kala wareegay degmada Buulo-burte ee Hiiraan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidmada Dowladda iyo Amisom oo Alshabaab kala wareegay degmada Buulo-burte ee Hiiraan

Buulu-burte – Mareeg.com: Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa Midowga Afrika ee (AMISOM) ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan.

Iska-horimaad xooggan oo dhinaca galbeed ee magaalada ka dhacay kaddib ayaa waxaa ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee ka tirsan AMSIOM u suuro-gashay inay gudaha u galaan degmadaas.

Ciidamada AMISOM ayaa degay saldhiga booliska, halka ciidamada Soomaaliya degeen Airpor-kii hore ee degmadaas, waxaana caawa bandow la saaray degmada Buulo-burte iyo magaalada Baledweyne.

Abaanduulaha guutada 10-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee gobolka Hiiraan, Kornayl Maxamed Aamiin ayaa sheegay inay ciidankooda iyto kuwa AMISOM la wareegeen degmada Buulu-burte.

Maxamed Amiin ayaa sheegay inay qorsheynayaan inay Al-Shabaab ka saaraan goobaha ay uga sugan tahay gobolka Hiiraan.

Degmada Buulo-burte oo ah degmada labaad ee ugu weyn gobolka Hiirana ayaa ku jirtay gacanta Al-shabaab dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo laga qabsado.

Ciidanka dowladda ee gobolka Hiiraan ayaa saaka si nabadgelyo ah kula wareegay gacan ku haynta deegaanka Buq-aqable oo 90 km u jirta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dhanka kale, lama oga illaa hadda halka ay ku sugan yihiin ciidamadii Itoobiya iyo kuwii dowladda Soomaaliya ee ku baxay dhinaca bari ee gobolka Hiiraan, kuwaaas oo qorshahoodu ahaa inay gaaraan degmada Buulo-burte.

Alshabaab ayaa la sheegay iney magaalada uga baxeen dhanka bari ee magaalada, waxaana ciidamada dowladda Soomaaliya iyo AMISOM magaalada wadaan hawlgalo ay ku xaqiijinayaan xaalada amni, iyagoo sidoo kalana isku ballaarinaaya buuraha ku teedsan degmadaasi.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.