Ciidankii la wareegay xarunta Bankiga weyn ee Puntland oo lacago la baxay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidankii la wareegay xarunta Bankiga weyn ee Puntland oo lacago la baxay

Faah faahono laga helayo Ciidamo mudo 7-bilood ah qaadan wax musharaad ah oo shalay gelinkii danbe la wareegay xarunta keydka lacagta Puntlanda ayaa xalay saqdii dhexe isaga ka baxy ka dib markii wada hadal arintan laga galay.

Waxgaradka,Sarakiil Ciidan iyo mas’uuliyiinta maamulka Garowe ayaa ku baxay markii ay soo baxday arintaan,waxaana suurta gal noqotay in xalay saqdii dhexe fariisamahooda dib ugu laabtaan.

Warbaahinat Puntland ayaa ku waramaya in Ciidanka ka baxay xarunta Bankiga dhexe Puntland horay gaadiid waaraad ah ugu qaateen lacago la sheegay iney ku keyd sanayeen Bankiga.

Balse hadalkan ayaa waxaa beeniyay guddoomiyaha Gobolka Nugaal oo ku tilmaamy waxba kama jiraan.

Cabsi ayaa ka jirta in mar kale uu dhaco fal gadood ah,waxaan ciidamo fara badan la geeyay xarunta Bankiga dhexe,waxaana wali socda waan waan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!