Ciidankii Horay u joogay Golaha Baarlamaanka Oo dib Loogu soo celiyay

Read Time:43 Second

Muqdisho ( Mareeg News) War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in dhismaha Xarunta Golaha Shacabka laga saaray ciidamadii faraha badnaa ee dhawaan la geeyay.

Ciidamadan oo kor u dhaafayey Boqol ayaa la sheegay in markii hore lagu geeyay amarka kasoo baxay Ra’isul wasaare Kheyre.

Ciidamadan ayaa halkaa looga daadgureeyay gaadiidka nooca dagaalka ah, waxaana lagu wareejiyay ciidamo kale, kadib markii amarka dulqaadista la sheegay inuu bixiyay Madaxweyne Farmaajo.

Ciidanka lagu wareejiyay xarunta baarlamaanka ayaa la sheegay in tirro ahaan ay gaarayaan 114 askari oo boolis ah, waxaana ka dhex muuqday qaar ka tirsan ciidamadii horay u ilaalin jiray Xarunta.

Mas’uuliyiin ka tirsan baarlamaanka, gaar ahaan garabka Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in cidankaasi shalay ilaa Saaka laga daadgureynaayay Xarunta, halka ciidanka kalane lagu soo daadgureynaayay.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa xili Madaxweyne Farmaajo uu ku baxay xiisada Siyaasadeed ee kadhex aloosan Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada Somalia.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %