Ciidanka xoogga dalka oo diyaariyay ciidamadii AMISOM kala wareegi lahaa deegaanada  * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidanka xoogga dalka oo diyaariyay ciidamadii AMISOM kala wareegi lahaa deegaanada 

Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaarinayo Ciidamadii AMISOM kala wareegi lahaa deegaanada ay haatan ku sugan yihiin ee gobollada dalka.

 

Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka ahna Taliye kuxigeenka Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa sheegay in Taliska Guud uu haatan wado dadaalo ku aadan sidii loo diyaarin lahaa Ciidamo bedela kuwa AMISOM.

 

“Taliska ciidanka xoogga wuxuu diyaariyay Ciidamadii AMISOM kala wareegi lahaa deegaanada ay hada ku sugan yihiin, sidaa la socotaan Mandate-ka AMISOM wax yar ayaa ka haray, waxaana loo baahan yahay in si buuxda ay Ciidamada Soomaaliyeed ula wareegaan deegaanadii la xoreeyay”ayuu yiri Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi oo shalay la hadlayay Ciidamo tababar loogu soo xiray Xerada Jaziira.

 

Taliska Guud ee AMISOM ayaa sanadkii hore sheegay in wixii ka dambeeya sanadka 2017 ay ammaanka dalka iyo goobaha ay hayaan ku wareejin doonaan Ciidamada Soomaalida, waxaana socda tababaro iyo dhismo ku socda ciidamada xoogga oo la doonayo in ammaanka guud ee dalka la wareegaan.

Ciidamada ka tirsan xooga dalka ayaa shalay tababarka loogu soo xiray Xerada Jazeera, halkaasoo ay ku tababarayeen Saraakiil ka socota Midowga Yurub, waxaana ciidamadan ay ku soo bandhigeen xerada dhoolatus ku aadan tababarkii la siiyay.

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!