Mareeg Media
Somalia

Ciidanka Puntland oo Qarax lagula eegtay Boosaaso

150

Ku dhawaad 10 ruux oo isugu jira Askar iyo Shacabka ayaa ku dhaawacmay Qarax ka dhashay miino wadada dhinaceeda la dhigay oo lala beegsaday gaari ciidan oo hor socday gaari uu saarnaa Taliyaha ciidamada Booliska gobolka Bari Xuseen Cali Maxamed, kaas oo marayay bartamaha magaalada gaar ahaan aaga Hotel Al-Nakhiil.

Lix Askari oo ka mid ah Ciidanka Puntland ayaa Qaraxaasi ku dhaawacmay sidda ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka Ammaanka dowlad goboleedka Puntland ee ku sugan Magaalada Boosaaso.

Saddex ka mid ah Askarta ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus, waxaana xaaladooda Caafimaad lagu dabiibaya Isbitaal ku yaalla Boosaaso.

Ciidanka Qaraxa lala beegsaday ayaa la sheegay in ay rasaas fureen, waxaana ku dhaawacmay Saddex ruux oo shacab ah oo ku sugnaa goobo ganacsi oo ka agdhow halka uu Qaraxu ka dhacay.

Ma jiro wax war ah oo wali kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Puntland ee ku sugan Magaalada Boosaaso, waxaana uu Qaraxaan yimid xilli Boosaaso ay ka socdaan howlgallo waa weyn.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!