Ciidanka nabad ilaalinta oo Gacan ku dhiiglayaal soo qabqabtey xaley * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidanka nabad ilaalinta oo Gacan ku dhiiglayaal soo qabqabtey xaley

Muqdisho ( Mareeg)-Afhayeenka laamaha Amniga Cabdikaamil Macallin Shukri ayaa shaaca ka qaaday in saacadihii la soo dhaafay howlgal ay ka sameeyeen Ciidamada ammaanka dowladda Federaalka ku soo qab qabteen tiro dad ah oo la tuhunsanyahay in ay ka dambeeyeen falal dilal ah oo siyaabo kala duwan uga dhacay Magaalada Muqdisho.

 

“ Rag hubeysan oo mooto la socday oo dil ka soo geystay degmada Xamar Jajab ayaan soo qabanay baaritaanno ayaa lagu wadaa , kadibna cadaalada ayaa la horgeyn doonaa” ayuu yiri Afhayeenka laamaha Amniga ee dowladda Soomaaliya Cabdikaamil Macallin Shukri.

 

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in laamaha Amniga ay wadaan howlgallo ay ku fashilinayaan kooxaha dhibaatooyinka Amni darri ka geysanaya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

 

Ugu dambeyn Afhayeenka ayaa carabka ku adkeeyay in ay sii wadi doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo Nabad Gelyada Magaalada Muqdisho.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!