Ciidanka Madaxtooyada oo howlgal Culus ka fuliyay xaafaddo ku dhow…

Read Time:52 Second

Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ee Koofiyad Casta’ ayaa xalay saqdii dhexe kadib howlgal ku aaday xaafadaha ku xeeran xarunta Madaxtooyada ee Vila Somalia ee degmooyinka Wardhiigley iyo Boondheere.

Howlgalkan oo ahaa mid aan hore loo arag oo habeenimo dhacay ayey ku lug yeesheen ciidamada Madaxtooyada ayaa saameyn ku yeeshay Ragga dhalinyarrada ah oo laga soo uruuriyey xaafadahaas xilli ay hurdeen markii ciidamada ay guryahooda ugu galeen.

Dhalinyarro badan oo howlgalka lagu soo qabqabtay ayaa markii dambe la isugu geeyey barxadda Iskaashatada iyo agagaarka xarunta Taliska Booliska ee u dhow Radio Muqdisho, waxaana labadaasi goobood lagu kala saaray dhalinyarradaasi.

Qaar ka mida xubno indhaha xiran ee NISA ka mida ayaa la sheegay inay kala saareen dhalinyarradii laga soo uriryey xaafadaha u dhow Madaxtooyada, iyadoo qaar kooban oo ka mida goobtaasi laga watay, lana sii daayey intii badneyd.

Howlgallada noocan oo kale ah ee habeenadii loo dhaco muwaadiniinta ayaa socon jiray xilliyadii dowladi Shariif Sheekh Axmed iyo sanadkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana si weyn uga hor yimid Hay’adaha xuquuqda insaanka iyo dadka Muqdisho.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.