Ciidanka Maamulka Puntland Oo Maanta La Wareegay Magaalada Qandala * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidanka Maamulka Puntland Oo Maanta La Wareegay Magaalada Qandala

Wararka aan ka heleyno Magaalada Qandala ee Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayan in maanta halkaasi ay gabi ahaan ay la wareegeen Ciidanka maamulka Puntland.

Dagaal xoogan oo maanta ka dhacay gudaha Magaalada Qandala ayaa waxaa la sheegay in Ciidanka maamulka Puntland ay la wareegan gacan ku heynta Magaalada Qandala oo ay hore u joogen kooxda Daacish waxaana dagaalka ka dhashay Khasaaro xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay.

Sida aan wararka ku heleyno ayaa waxa ay sheegayan in Ciidamada Puntland ay Magaalada Qandala ka soo galeen Dhowr Jiho islamarkaana Dagaal Xoogan ay kula wareegeen.

Dhanka kale waxaa Go’an Isgaarsiinta Magaalada Qandala ee Gobolka Bari iyadoo taas ay sii adkeysay in Xog intaa ka badan laga helo Dagaalka Maanta Puntland ay ku qabsatay Magaalada Qandala.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!