Ciidanka Liyu Police Ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Oo Deegaanka Gaashaamo Ka Kaxaystay Odayaal Iyo Dhalinyaro Iyo Magacyada Dadkaasi Oo.

Hawlgal ciidamada calooshooda u shaqaytayaasha ah ee Liyuu Police loo yaqaano ee Kililka Shanaad ee Itoobiya ka sameeyeen deegaanka Gorgor ee duleedka gaashaamo waxa ay afduubeen oo kaxaysteen waxgarad tiro badan oo deegaankaasi ah dadkaasi oo la garanaynin dhinaca loola kacay,Dadkaasi oo tiradooda saxda ah lahaynin ayaa waxaa ka mid mid magacyada la hayo..

1:Samadoon Cabdillaahi Aadan Qurux

2:Caaqil Cumar Su,aal

3:Cheif Caaqil Axmed  Cali Jabane

4:Ibrahim Nuux Dheere

5:Jamaal Qorane Kaariye

6:Cabdilqaadir Xassan Maxamed

Iyada oo Lahaynin dhamaan  magacyada dadka  la afduubey ayaa haddana wararku waxa tibaaxayaan in ay u badan yihiin Ardaaga Haber younis  ee Muuse Ismaaciil oo deegaan u ah Magaalada Gor-Gor. oo qiyaas ahaan  30KM Bari ka xiga Magaalada Gaashaamo.Bishan June afreedii ayey aheyd markii ay Ciidanka Liyo Polisku ay Rasaas Oodda kaga qaadeeb Dad Rayid ah oo deganaa Tuulada Jaamac Dubbad halkaana ay ku dileen 21 Qof oo ahaa shicib iyagoo oo gebi ahaaba bililiqeytey Hantidii taaley Tuulada Jaamac Dubbad.