Ciidanka kumaandooska oo maleeshiyaad ku dilay deegaanka Beerxaani * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidanka kumaandooska oo maleeshiyaad ku dilay deegaanka Beerxaani

Howlgal ciidamada kunaandooska Soomaaliya ayaa howlgallo ay ka fuliyeen deegaanka Beerxaani ee gobolka Jubbada Hoose ku dilay in ka badan 20 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyagoo bur buriyay baro ay ku dhuumaaleysanyeen Shabaabka.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Jubbada Hoose Aadan Maxamed Salaad ayaa ku soo waramay in ciidamada kumaandooska ay 48 saacadood ee la soo dhaafay ay ku sugnaayeen deegaanka Beerxaani oo koonfur galbeedka Kismaayo kaga beagn 60km, halkaasi oo ay ku bur buriyeen baro ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidamada Kumaandooska ayaa inta ay ku guda jireen waxa ay cagta mariyeen xarumo lagu tababbari jiray argagixisada Al-Shabaab, waxaana ay ciidamada dib ugu laabteen goobihii ay ka soo kicitameen markii ay ku guuleysteen howlgalkii ay ka fulinayeen deegaanka Beerxaani.

Todobaadkii la soo dhaafay ayay ahayd markii ciidamada xoogga dalka ay deegaanka Buulo-gaduud oo qiyaastii Kismaayo dhanka waqooyi kaga began 30 km lagu dilay Hojooge lagu magacaabi jiray Maxamed Maxamuud dul-yadeen iyo maleeshiyaad kale, kaasi oo hore loogu eedeeyay in uu ku luglahaa weeraradii ka dhacay Jaamacadda Garisa gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!