Mareeg Media
Somalia

Ciidanka Kenya oo lagu beegsaday weerar xoogan (AKHRISO)

129

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Weerar xoogan oo lagu beegsaday Ciidamada Dowladda Kenya ee qeybta ka howlgalka AMISOM.

Xoogaga Al Shabaab ayaa bayaan ka soo baxay waxey ku sheegeen in Qarax xoogan lagu beegsaday Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidanka Dowladda Kenya.

Al Shabaab ayaa sheegtay in Weerarka uu ka dhacay Degaanka Madharaan ee Gobolka Jubada Hoose.

Bayaanka Al Shabaab waxaa lagu xusay in Weerarka ay ku dhinteen ugu yaraan 15 ka mid ahaa Ciidanka Dowladda Kenya.

Waxaa sidoo kale ay xuseen in Diyaarado nuuca helicopterka ay halkaasi ka daabuleyn dhaawacyo soo gaaray Askar kale oo ka mid ah Ciidanka Kenya.

Weli majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Militariga Dalka Kenya oo ku aadan sheegashada Al Shabaab.

Kenya ayaa Ciidamo waxey ka joogaan Dalka Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!