Ciidanka Kenya oo isaga baxay degaan muhiim ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidanka Kenya oo isaga baxay degaan muhiim ah

Waxaa lagu soo waramayaa in Ciidamada Dowladda Kenya ee qeybta ka howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay isaga baxeen Degaanka Buzaar rr Gobolka Gedo.

Saakay waaberigii hore ayee ciidamada Kenya isaga baxeen degaankaas oo mudo dhowr sano ah ay ku sugnaayeen.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in kaliya ay saakay arkeen Ciidamada Kenya oo isaga baxaya Saldhigyadii ay ku lahayeen deegaanka Buusaar, kuwaas oo aaday dhinaca degmada Ceelwaaq ee isla Gobolka Gedo.

Saraakiisha Ciidamada Kenya weli mashaacin sababaha ay deegaankaas uga baxeen, hayeeshee waxaa xusid mudan in Ciidamada Kenya 2-dii Bishaan Maarso ay isaga baxeen deegaanka Faafax dhuun,isla markaana ay la wareegeen Al-Shabaab.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in markii ciidamada Kenya ay ka baxeen deegaanka Buusaar ay durba la wareegeen Al-Shabaab oo ku sugnaa meel aan ka fogeen deegaankaas oo ka mid ah deegaanada muhiimka ah ee Gobolka Gedo.

Maamulka  deegaanka Buusaar  ayaa horay u sheegay in Ciidamada Kenya ay dhawaan ka bixi doonaan deegaankaas, hayeeshee aysan faah faahin ka bixin sababta ka dambeysa,waxaana jira in deegaano kale ay qorsheynayaan inay ka baxaan Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!