Ciidanka Jubaland oo Qarax lagula eegtay Duleedka Kismaayo

Read Time:28 Second

Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya Qarax Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Jubaland lagula eegtay Gobolka Jubada Hoose.

Qaraxan oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa lagu beegsaday Kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen Ciidamada Maamulka Jubaland, sida uu sheegay Goobjooge.

Waxaa uu tilmaamay in Qaraxa uu ka dhacay Degaanka Buula Guduud oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro kala duwan oo Qarax ka soo gaaray Ciidanka Maamulka Jubaland.

Majiro wax hadal ah ka soo baxay Saraakiisha Maamulka Jubaland oo ku aadan Qaraxa.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.