Mareeg Media
Somalia

Ciidanka Dowladda oo weerar ku dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa ay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab waxaa ay ka bilaabeen tuulooyin hoostaga Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, iyda oo intii ay howlgalka ku jireen ay dagaal la galeen Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka ee Baardheere Maxamed Cali Maxamed ayaa saxaafadda u sheegay in ay iyagu weerar ku qaadeen halka ay ku sugnaayeen Al-Shabaab markii ay xog ka heleen Dadka degaanka,isla markaan ay ka dileen lix xubnood.

 

“Dadka degaanka ayaa noo sheegay in Argagixisadu ay ku qasbaan in ay bixiyaan canshuur xoog ah, ciidankeenuna waa ay weerareen, iska hor imaad ka dib waannu ka racdeynay haklii ay Shacabka ku dhibaateynayeen, waxaanan halkaasi kaga dilnay Lix ,”ayuu yiri Taliyuhu.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka xoogga ay halkaasi kaga gubeen Kooxda Al-Shabaab Laba Gaari oo nooca dagaalka ah.

 

Mulki Afrax oo ka mid ah Dadka ku dhaqan degaannada hoos taga  Baardheere ayaa Wakaaladda Wararka ee Xinhua u sheegtay in ay u yimaddeen Malleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab, iyagoo amray in ay qasab ku siiyaan Canshuuro , balse ay durbadiiba si deg-deg ah halkaasi ku gaareen Ciidanka Dowladda.

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sare u qaaday howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyaga oo kaashana Shacabka ku dhaqan degaannada ay Malleeshiyaadku ku dhuumaaleystaan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!