Ciidanka dowladda oo jab xoog leh gaarsiisay argagixsada Al shabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidanka dowladda oo jab xoog leh gaarsiisay argagixsada Al shabaab

Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidanka milatariga Soomaaliya iyo dagaalyahanada Al Shabaab ayaa saakay ka dhacay duleedka magaalada Dhuusomareeb gaar ahaan inta u dhaxeysa deegaanada Ceeldheere iyo Tuulo-xaayoow.

Labada ciidan ayaa waxaa dhax maray dagaal socday mudo saacad ka badan, waxaana dadka deegaanada lagu dagaalamay ku sugan sheegeen in ay maqlayeen daryanka rasaasta culus ay labada dhinac is dhaafsanayeen.

Warbaahinta dowlada ayaa sheegtay in ciidamada milatariga weerar ku qaadeen deegaano kuyaala inta u dhaxeeya Dhuusomareeb iyo Guriceel halkaas ay sheegeen in Al Shabaab doonayeen in ay galiyaan miinooyin.

Sargaal katitrsan ciidanka dowlada ayaa sheegay in dagaalka ku dileen 15-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab sidoo kale hub kusoo furteen, waxa uuna intaa ku daray in ay wali ku daba jiraan firxadka dagaalyahanadii Al Shabaab.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay in weerar gaadmo ah saakay dagaalyahano katirsan kooxdooda u dhigeen ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo marayay inta u dhaxeysa Dhuusomareeb iyo Ceeldheer.

Al Shabaab ayaana sheegtay in weerarkaasi ciidanka dowlada uga dileen sideed-askari uu ku jiro sargaal katirsan ciidanka milatariga oo magaiisa Al Shabaab ku sheegeen Cabdulle Madax Yareey.

Weerarada Al Shabaab geestaan ayaa mudooyinkii dambe kusoo kordhay wadada xiriirisa magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Guriceel, waxaana weeraradaasi cabsi badan ka muujiyay dadka aderegasada wadada isku xirta labada magaalo.

Muqdisho-Somalia

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.