
Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa DANAB ayaa waxaa la sheegay inay Ururka Al-Shabaab kala wareegeen deegaano dhowr ah oo ku yaalla Gobolka Jubbada Hoose.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland ayaa waxaa ay sheegen in Ciidamada DANAB oo ay wehlinayeen kuwa Daraawiishta Jubbaland ay howlgal kula wareegeen deegaano u badan dhul howd ah oo u dhow degmada Jamaame oo Gobolka Jubbada Hoose,halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Idiris Kuusow Sheekh Cabdi oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamada deegaannada ay la wareegeen ay kamid yihiin eegaannada Araare oyo Maleeleey,halkaas oo auu sheegay inay muddoo ku sugnaayeen Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in Ciidamadu ay ka warheleen inay Al-Shabaab qorsheynayeen weeraro ka dhan ah,sla markaana howlgalkii ay sameeyeen ay kusoo qabteen waxyaabaha qarxa oo ay diyaarinayeen.
Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku darey in intii uu socdey howlgalka ay dagaal culus deegannadaasi kula galeen Al-Shabaab,isla markaana ay ka dileen in ka badan 10 dagaalame sida uu hadalka u dhigey.
Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya deegaannada u dhow degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda & kuwa Daraawiishat Jubbaland ay weli howlgallo kala duwan ka wadaan deegaannadaas.