Ciidanka Dowlada Soomaaliya Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Labaatan Jiroow Ee Gobolka Baay

Wararka aan ka heleyno Degaanka Labaatan Jiroow ee Gobolka Baay ayaa waxa ay ku waramayan in maanta halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogan.

Ciidanka dowlada Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa dagaal xoogan kula wareegay Degaanka Labaatan Jiroow ee Gobolka Baay oo Fariisin ay ku lahaayeen Ururka Al Shabaab.

Dagaalka Maanta ka dhacay Degaanka Labaatan Jiroow ee Gobolka Baay ayaa waxaa ka dhashay khasaaro xoogan oo  soo kala gaaray labada dhinac ee halkaasi ku  dagaalamay .

Taliyaha Ciidamada Booliska Koofur Galbeed  Ibraahin Isaaq Yarow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Dagaalka maanta ka dhacay Degaanka Labaatan Jiroow ee Gobolka Baay lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsan Dagaalyahanada Ururka Al Shabaab.

About Xuseen Axmed 1576 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia