Mareeg Media
Somalia

Ciidanka dowlada oo soo furtay Haweeney Jarmal ah oo lix bil ka hor Muqdisho laga qafaashay

Ciidamo ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya ayaa xalay soo furtay Haweeney u dhalatay dalka Germany oo bishii 5aad ee sanadkan laga afduubtay Magaalada Muqdisho.

Sonja Nientiet oo ka tirsaneyd Hay’adda Laanqeyrta Cas ee caalamiga ah ayaa laga soo furtay koox hubeysan oo ku heysatay degaan ka mid ah Gobolka Galguduud sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidanka howlgalka fuliyay.

Lama faahfaahin qaabka uu howgalkaas u dhacay iyo haddii uu jiro khasaare ka dhashay balse waxaa la xaqiijiyey in 6 bilood kaddib Sonja Nientiet ay xorriyaddeedii dib u heshay xalay.

Haweeneydan ayaa laga afduubtay xarunta Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Magaalada Muqdisho, waxaana afduubkaas geystay shaqaale ka tirsanaa isla hay’addaas, isagoo sababay in Hay’adda ay joojiso howlihii ay ka wadday Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!