Wararka aan ka heleyno Degmada Tayeeglow ee Gobolka Baay waxa ay sheegayan in Ciidanka dowlada iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay la wareegeen,
Ciidanka dowlada Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta si buuxda ula wareegay gacan ku heynta Degmada Tayeeglow ee Gobolka Baay ka dib markii ay iskaga baxeen Ururka Al Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyay in maanta ay la wareegeen gacan ku heynta Degmada Tayeeglow ayna halkaasi ka wadan howlgalo lagu xaqiijinaayo amniga Degmada.
Dhinaca kale ilaa hada majiro wax war ah oo ka soo baxay Ururka Al Shabaab ee ku aadan la wareegida Ciidanka dowlada iyo kuwa Koonfur Galbeed ee Degmada Tayeeglow ee Gobolka Baay.