Ciidanka Dowlada Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Cee-garas * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidanka Dowlada Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Cee-garas

Wararka aan ka heleyno Deegaanka Ceel-garas ee Gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan in maanta halkaasi ay la wareegeen Ciidanka dowlada.

Ciidanka dowlada Soomaaliya ayaa maanta si buuxda u la wareegay gacan ku heynta Deegaanka Ceel-garas ee Gobolka Bakool ka dib markii ay iskaga baxeen Dagaalyahanada Ururka Al Shabaab.

Deegaanka Ceel-garas ee Gobolka Bakool ayaa waxaa uu ka mid ah deegaano dhowr ah oo ay horay uga baxeen ciidanka dowlada Itoobiya.

Ilaa iyo hada majiro wax war ah oo ka soo baxay Ururka Al Shabaab ee ku aadan la wareegida Ciidanka dowlada Soomaaliya ee Deegaanka Ceel-garas ee Gobolka Bakool.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!