Wararka aan ka heleyno Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayan in halkaasi ay iskaga baxeen Dagaalyahanada Al Shabaab oo xalay halkaasi la wareegay.
Maamulka Degmada Ceel-waaq ayaa sheegay in Al Shabaab ay isla Xalay Degmada Ceel-waaq iskaga baxeen islamarkaana ay aadeen dhanka Degaanka Ceel-cadde ee isla Gobolka Gedo.
Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa maanta lagu soo waramayaa in ay guud ahaan ay la wareegeen Ciidanka dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Guddoomiye Ku xigeenka Degmada Ceel-waaq oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ururka Al Shabaab ay Xalay Degmada ka wateen Nin Ganacsade ah oo si weyn looga yaqaanno Degmada Ceel-waaq islamarkaana aan la ogeyn Sababta ay u wateen.
Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa hadda Degen waxaana si buuxda Gacanta ugu haya Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.