Categories
Af Soomaali

Ciidanka DFS oo rasaas ku furay Shacab (SAWIRRO)

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Mareykanka ayaa lagu soo waramayaa in rasaas geysatay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay ku fureen Shacab la socday Gaari khudaar ka soo qaaday Gobolka Sh.Hoose.

Weerarkan toogashada ayaa waxuu ka dhacay Degaan lagu magacaabo Ugunji ee Gobolka Sh.Hoose.

Hay’adda AWCC oo u ololeysa Xuquuqda Dumarka iyo Caruurta ayaa sheegtay in Weerarkaasi lagu dilay Haweeney, islamarkaana lagu dhaawacay lix oo kale oo ka mid ahaa Dadkii la socda Gaariga.

Gaarigan oo BL ahaa ayaa ku soo wajahnaa Magaalada Muqdisho, maadaama uu khudaar ka soo qaaday Gobolka Sh.Hoose.

Weli majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka Dowladda oo ku aadan Weerarkii ka dhacay Gobolka Sh.Hoose.

Degaano ka mid ah Gobolka ayaa waxaa ka socda howlgallo xoogan oo ay wadaan Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya, si looga adkaado Al Shabaab.

 

By MM

Abdi Aziz Hassan Ibrahim is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @mareegonline
Email: news@mareeg.com