
Ciidamada Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Xasilinta ayaa lagu eedeeyay in jirdil ay u geysteen Ruux Shacab ah, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay falkaasi in ay ku kacaan Ciidanka Amaanka.
Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay Askari ka tirsan Ciidanka Amaanka ee Dowladda Soomaaliya oo dhulka ku jiidaya Ruux Shacab ah, kadibna buudka kula istaagaya, isagoo dhulka jiifa.
Muqaalkan ayaa sidoo kale waxaa laga maqlayay dadka Degaanka oo ku qeylinaya “Ha dilin, maxaad ugu fiirsaneysaan, maad ka qabataan”.
A man is kicked by a soldier while he is on the ground as gun shot heard. #Somalia pic.twitter.com/wjVGDrjAZm
— Live From Somalia (@Tuuryare_Africa) June 13, 2018
Dhinaca kale, Wasiirkii hore ee Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya, ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdirisaaq Maxamed ayaa si kulul u cambaareeyay tacadiga uu ku kacay mid ka mid ah Ciidamada Amaanka.
Waxuu sheegay in qorshaha Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya aysan qeyb ka aheyn jirdilka nuucaasi ee lagu sameeyay muwaadinkaasi Soomaaliyeed.
Xildhibaan Cabdirisaaq ayaa wax laga xumaado islamarkaana laga argagaxo ku tilmaamay muqaalka muujinaya jirdilkii uu sameeyay Askari ka mid ah Ciidanka Dowladda Soomaaliya.
Weli majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Amaanka ee Dowladda Soomaaliya oo ku aadan tacadigaasi.
Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe waxaa ku soo badanayay dhibootooyin oo ay ka cabanayeen dhalinyarada Bajaajleyda, kuwaasi oo qaarkood si bareer ah loogu toogtay Magaalada Caasimada ee Muqdisho.