Ciidanka DFS oo Bajaajle ku dilay Muqdisho

Read Time:44 Second

Wararka soo gaaraya Warsadaha Mareeg News ayaa waxa ay sheegayaan in isgooyska Howlwadaag lagu dilay Darawal Mooto Bajaaj, islamarkaana la dhaawacay ruuxii saarnaa Mootada.

Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa la sheegay in uu  darawalka Mooto Bajaajlaha uu dhowr xabadooda kaga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in askariga dilka geystay uu baxsaday.

Sidoo kale waxaa la sheegay in dilka ka hor askariga iyo darawalka Mooto bajaajlaha uu muran dhexmaray wallow weli sirasmi ah loo helin sababta keentay khilaafka.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa tegay goobta, iyaga oo meesha ka qaaday meydka Darawalka Mooto bajaajlaha ahaa, waxaana sidoo kale dhaawaca ruuxa kale loo qaaday isbitaalka ku yaalla degmada Howlwadaag.

Magalada Muqdisho ayaa labadii sano ee la soo dhaafay waxaa kusoo badanayay dilalka ay askarta dowladda u geysanayaan darawalada Mooto bajaajta, iyada oo aan weli maxkamad lasoo taagain askari dilay Mooto bajaajle.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.