Ciidanka DANAB oo la wareegay degaano ay ku sugnaayeen Al-shabaab

Read Time:39 Second

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska DANAB ayaa lagu soo warramayaa inay howl-gallo qorsheysan ka sameeyeen agagaarka magaalada Jamaame oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Howl-gallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa saraakiisha Danab ay sheegeen inay la wareegeen gacan ku heynta deegaanada kala ah , Beer-Xaani, Cabdi Dhoore, Qudus iyo Liba Kuus oo dhammaan hoostaga magaaladaasi.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay inay nolosha ku qabteen 3 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale ciidamada Danab ayaa baaris ku sameeyey goobihii ay isaga baxeen dagaalyahanada Kooxda Al-Shabaab. Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, iyada oo dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo duleedka degmadq Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa kordhiyey weerarada iyo howl-gallada ka dhanka aha dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %