Ciidanka Booliska oo Muqdisho ku toogtay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al Shabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidanka Booliska oo Muqdisho ku toogtay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al Shabaab

Ciidammada Booliska Soomaaliyeed ayaa Howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen Degmada Heliwaa ee Gobalka Banaadir waxay ku dileen Sarkaal sare oo ka tirsanaa dagaalyahanada Al Shabaab,kaasi oo lagu magacaabi jiray Sayid Abuukareey, iyagoo sidoo kale dhaawacay sedex ka mid ah dagaalyahano kale la socotay oo gacanta lagu dhigay.

Abuuker Xasan Caddde oo magaca Al shabaab u yaqaaneen uu ahaa Sayid Abuukareey ayaa u qaabilsanaa amniyaadka qeybta bari ee gobalka Banaadir, wuxuuna si gaara uga howlgali jiray Degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa, iyadoo tan iyo sanadkii 2015 uu sedex jeer ka baxsaday Ciidammada Amniga oo baadi goobayay.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble oo Warbaahinta u sharaxay sida uu u dhacay Howlgalka ay fuliyeen Ciidanka Booliska gaar ahaan Qeybta Guud ee Gobalka Banaadir ayaa yiri:-

“Ciidanka Booliska waxay ku guuleysteen inay qaadaan Howlgal ay ku dileen Amiir Al shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka Qeybta Bari ee Gobalka Banaadir, waxaa sidoo kale gacanta lagu dhigay iyagoo dhaawacyo ah sedex ka mid ah Maleeshiyo la socotay, Ciidanka Booliska waxay doonayeen inay soo qabtaan isagoo bad qaba si Sharciga loo horkeeno laakiin weerar ayuu qaaday wuxuu ka dilay Ciidanka Hal Askari, midna wuu ka dhaawacay, ka dib danta waxay ku qasabtay Ciidanka Booliska inay talaabo ka qaadaan wayna dileen”.ayuu yiri Afhayeenka Gobalka Banaadir.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!