Mareeg Media
Somalia

Ciidanka booliska oo gacanta ku dhigay koox Burcad ah

Ciidanka boliiska ayaa Xalay howlgal ka fuliyay degmada Warta Nadda ee gobolka Banaadir.

Howlgalka ayaa lagu soo qabtay koox Burcad ah oo Shacabka degmada dhibaato ku hayay sidda ay sheegtay taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Sakiyo Xuseen.

“ka dib marka ay warbixin ka heleen shacabka degmada ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan 3 burcad oo hubaysan oo shacabka ku dhici jiray degmooyinka Warta Nabadda iyo Yaqshiid halka mid kale isku dayay inuu fakado. Israsaaseyn ka dib ciidanka ayaa gacanta ku soo dhigay burcadkaas” ayay tiri taliye Sakiyo.

Ciidanka Booliska ayaa kordhay howlgallada ka dhanka ah Kooxaha Burcadka ah ee dadka Shacabka ah dhibaatada ku haya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!