Ciidanka Booliska Gobolka Hiiraan Iyo Maleeshiyo Isbaaro Dhigatay Oo Maanta Ku Dagaalamay Duleedka Baledweyne

Read Time:40 Second

Wararka aan ka heleyno Duleedka Magaalada Baledweyne ayaa waxa ay sheegayan in maanta halkaasi uu ka dhacay dagaal.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu u dhaxeeyay Ciidanka Booliska Gobolka Hiiraan iyo Maleeshiyo Isbaaro dhigatay Degaanka Gamber-laawe ee Duleedka Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Inta la xaqiijiyay ayaa waxaa dagaalka ku dhintay 3 ruux oo 2 kamid ah ay yihiin Ciidamada Booliska iyadoo Qofka kale lagu sheegay Maleeshiyadii Isbaarada dhigatay in uu ahaa.

Saraakiisha Ciidanka Booliska ee Gobolka Hiiraan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in  Maleeshiyadii ay ka Eryeen goobta ay isbaarada u taalay ee Deegaanka Gamber-laawe ee Duleedka Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Xaalada Deegaanka Gamber-laawe ee Duleedka Magaalada Baledweyne oo ay maanta ku dagaalameen Ciidanka Booliska Gobolka Hiiraan iyo Maleeshiyo Isbaaro dhigatay ayaa hada dagan.

About Post Author

Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %