Ciidanka AMISOM oo Qarax lagula eegtay Duleedka Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidanka AMISOM oo Qarax lagula eegtay Duleedka Muqdisho

Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa deegaanka tareedisho ee duleedka Magalada Muqdisho Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrrika ee AMISOM.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Kolonyo ka tirsan AMISOM  qaraxa Miino lala eegtay xilli ay ku socdaalaayeen inta u dhaxeysa deegaanada weeydoow iyo Tareedisho,waxaana jira khasaaro kala duwan oo qaraxaasi ka dhashay.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa kadib Ciidamada AMISOM ay fureen rasaas farabadam taas oo la sheegay inay waxyeelo kasoo gaartay dad Shacab ah.

Ciidamada AMIOSM ayaa mudo daqiiqado ah waxaa ay hakad geliyeen isku-socodka dadka iyo Gaadiidka,wallow markii dambe ay dib u fasaxeen,waxaana haatana si caadi ah u socda dadka iyo gaadiidka ee deegaanada weeydow iyo Tareedisho ee duleedka Muqdisho.

Deegaanada dhaca duleedka Magalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca qaraxyo miinooyinka nooca dhulka lagu aaso ah,kuwaas oo lala eegto ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM,waxaan sidoo kale waxyeelo kasoo gaartaa dad Shacab ah.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!