Mareeg Media
Somalia

Ciidanka AMISOM oo isaga baxaya Kulliyada Jaaliyada Siyaad

3

Ciidamada AMISOM  gaar ahaan kuwa Burundi ee howlgalka u jooga Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay bilaabeen inay ka baxaan Kulliyadda Jaalle Siyaad oo ku taalla jidka Warshadaha oo mudo tobanaan sano ah Saldhig u aheyd.

Mas’uuliyin ka tirsan Dowladda oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka,Wasiirka Gaashaandhigga iyo Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira ayaa Kulliyadda ku sugan waxaana ka socota munaasabad ay AMSISOM ku wareejineyso Xarunta Kulliyadda.

In kastoo maanta Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ay ka guureen Kulliyadda Jaalle Siyaad ayaa hadana waxaan weli la shaacin halka ay degayaan,hayeeshee kulliyadda Jaalle Siyaad ayaa lagu wareejinayaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Waa Saldhigii Saddexaad ee Ciidamada AMISOM ay ka guuraan Magaalada Muqdisho,waxaana ay horay uga guureen Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho iyo Jaamacadda Gaheyr.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!