Ciidanka AMISOM oo Guddoomiye u diiday inuu galo Garoonka Diyaaradaha... * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidanka AMISOM oo Guddoomiye u diiday inuu galo Garoonka Diyaaradaha…

Ciidanka AMISOM ayaa Maanta is hor istaag ku sameeyay Guddoomiyaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, xili uu doonayay inuu galo Garoonka diyaaradaha Magaaladaas ee Ugaas Khilaaf.

Guddoomiye Cismaan Dhicisow Dhuubow ayaa tegay Garoonka, isla markaana doonayay inuu gudaha u galo, si uu u soo dhaweeyo Xildhibaano kasoo degayay halkaas, hayeeshee Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay u diideen inuu galo.

Guddoomiyaha Magaalada Baladweyne Cismaan Dhicisow ku amray inuu dib uga laabto Garoonka Ugaas Khilaaf, isagoo markii dambena isaga tegay, sida ay sheegayaan wararka.

Guddoomiye Dhicisow ayaa la filayaa inuu faah faahin ka bixiyo sababaha keenay in Ciidanka AMSIOM ay u diidaan xiligaan inuu galo Garoonka, xili uu soo dhaweyn rabay wafdi Xildhibaano iyo xubno kale.

Dhowr jeer oo hore Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ayaa  Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle u diiday inay galaan Garoonka diyaaradaha Ugaas Khilaaf.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.