Ciidanka AMISOM oo dad shacab ah dilay iyo wararkii ugu dambeeyay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidanka AMISOM oo dad shacab ah dilay iyo wararkii ugu dambeeyay

Inta la xaqiijiyay laba Carruur ah ayaa geeriyootay halka saddex kale oo ay ku jirto hooyadood ay ku dhaawacmeen, kadib markii sida la sheegay Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ay madaafiic ku garaceen Tuulada Mishaani oo hoostagta Deegaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose..

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen ilaa dhowr madfac ay ku dhaceen tuulada, hayeeshee qoyskaan uu gurigooda ku dhacay mid kamid ah madaafiicdii ay tuulada kusoo rideen Ciidamada AMISOM.

Dadka Tuulada Mishaani ayaa waxaa ay sheegeen in mar qura ay xalay ka warheleen jugta iyo madaafiicta kusoo dhaceysa tuulada ee ka imaanayay dhanka Xerada Ciidamada AMISOM, balse aysan garaneyn sababta ka dambeeysa.

Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee Gobolka Shabeellaha Hoose weli kama hadlin madaafiicdaas lagu eedeeyay Ciidanka AMISOM inay ku garaaceen tuulo ay degan yihiin dad rayid ah.

Mararka qaar Ciidamada AMISOM ayaa madaafiic waxaa ay uga jawaabaan weeraro ay kala kulman Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, waxaana madaafiicdaas ku waxyeelooba dad Shacab ah.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.