
Afgooye ( mareeg news ) Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa howlgal ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye shalay waxay kusoo qabteen Horjooge ka tirsanaa Ururka Daacish
ninkaan ayaana Wadada Afgooye ku aasayay Miino. sida la sheegay
Horjoogahaan ayaa lagu magacaabaa Jaamac Xuseen Xasan wuxuuna horay uu uga tirsanaa Ururka Al-shabaab sida uu sheega isaga
Ciidanka ayaana Horjooge Jaamac waxay lasoo qabteen Labo dumar ah kuwaasi oo Al-shabab caawiyaal u ahaa
ugu danbeyn Jaamac ayaa xusay muddo seddex sano ah inuu ka mid ahaa Kooxda Daacish shaqo badanna u qabtay.
Ciidnaka Booliska oo amniga caasimada kala wareegay Ciidamada sirdoonka iyo nabadsugida qaranka ayaa maalmahanba howlgalo lagu xaqiijinaayo amaanka caasimada ka waday magaalada muqdisho iyo daafaheeda.
taliyaha booliska oo warfaafinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamadu diyaar u yihiin ineey ka hortagaan Qatar kasta oo ku soo wajahan caasimada.