Ciidanka Somaliland oo tegay daafaha Taleex (Maxey doonayaan?) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidanka Somaliland oo tegay daafaha Taleex (Maxey doonayaan?)

Mareeg.com: Ciidan ka socda maamulka Somaliland ayaa shalay gaaray hareeraha degmada Taleex ee gobolka Sool, halkaasoo dorraad dagaal ku hex maray labo maleeshiyo beeleed.

Ciidanka Somaliland ee Taleex tegay ayaa fariisin ka dhigtay meel aan ka dheerayn degmada Taleex, waxaana ujeedada ciidankaas lagu sheegay sidii ay u kala dhex gali lahaayeen labada beelood talaadadii dagaalamay.

Cabdirashiid Xirsi Dalmar, oo ah guddoomiye ku xigeenka gobolka Sool ee maamulka Somaliland, ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka Somaliland u tagay Taleex qaboojinta coladda labada beeleedo.

“Ma ahayn ciidamadu duullaan ee waa kuwo doonaya inay wax ka qabtaan colaadda labada beelood u dhexeysa, waxaana rajeynayaa in waqti dhow ay guurti iyo wasiiro ka socda Somaliland hawshaasi u yimaadaan Taleex,” ayuu yiri Mr Dalmar.

Madaxdhaqameed iyo waxgarad miisaan ku leh degaanka ayaa haatan degaankaasi u jooga qaboojinta arrintan, iyagoo doonaya iney ka hortagaan dagaal mar kale halkaas ku dhex mara labada maleeshiyo beeleed.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!