Ciidamo xoojin ah oo Amisom u dirtay Bakool
Waajid – Mareeg.com: Ciidamo xoojin ah oo ka socda dalka Itoobiya oo qeyb ka ah AMISOM ayaa gaaray gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya.
Ciidamadan ayaa gobolka Bakool kazoo galay xadka Buurdhuubo la leedahay dalka Itoobiy, waxeyna haataan ku sugan yihiin deegaan miyi ah oo 15 KM u jira degmada Waajid oo ka tirsan Bakool.
Sida ay kusoo warramayaan weriyaasha ku sugan Bakool, ciidamadan dheeraadka ah ayaa la filayaa iney gaaraan degmada Waajid oo ka mid ah degmooyinkii horay looga saaray Alshabaab.
Waa markii labaad ee tan iyo markii Alshabaab laga saaray degmooyinka Xudur iyo Waajid ciidamo xoojin ah Itoobiya u dirto Bakool, iyadoo Alshabaab kala jareen isu socodka degmooyinka.
Mareeg Media
Comments are closed.