Ciidamo uu wato C/samad Galan oo la wareegay Deegaano katirsan Gobolka Bari iyo Xiisad dagaal oo jirta * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamo uu wato C/samad Galan oo la wareegay Deegaano katirsan Gobolka Bari iyo Xiisad dagaal oo jirta

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta deegaano katirsan Gobolka Bari ay la wareegeen ciidamo aad u hubeesan uu wato Gudoomiyihii hore ee gobolkaasi C/samad Maxamed Galan.

Ciidamada uu watao C/samad Galan oo gaaraya boqolaal ,ayaa u badan kuwa kasoo jeeda beeshiisa, waxaana ciidamadan ay mucaarad ku yihiin maamulka Puntland uu Madaxweynaha ka yahay Cabdiweli Gaas, waxaana fashilmay wadahadalo arintan lagu doonayay in xal looga gaaro.

Sida aan Wararka ku heleyno Ciidamada uu wato Mr Galan ayaa axadii iyo maanta soo gaaray deegaano dhoor ah oo katirsan Gobolka Bari ay ku jiraan deegaanada Belidhidin iyo Kalabeyr iyo deegaano kale oo katirsan gobolka Bari.

Waxaa socday maalmihii lasoo dhaafay waan-waan lagu xalinayo khilaafka uu la gadoodey Cabdisamad Galan, taas oo ay wadeen odoy dhaqameedyo iyo siyaasiyiin, waxaana wararku sheegayaan in odoyaasha dhaqanka iyo Puntland ay ku heshiyeen in Cabdisamad Bosaso dib ugu so noqdo isaga oo wata ilaaladiisa keliya.

C/samad Galan , ayaa sheegay in uu wato ciidamada dhabta ah ee Puntiland, waxa uuna xusay in ay joogaan deegaano u dhaxeeya magaalooyinka Boosaaso iyo Garawe, Galan ayaa ku hanjabay in uu xilka ka tuurayo Madaxweynaha Puntland.

Magaalooyinka Boosaaso iyo gobolka Bari ayaa waxaa laga dareemayaa xiisad dagaal ,waxaana shirar gaar ah leh saraakiisha hogaamineysa ciidamada kala duwan ee Puntland kuwaa oo ka arinsanaya sida ay ka yeelayaan duulaanka ciidanka uu Wato Gudoomiihii hore ee gobolka Bari.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Bari ayaa ka tagay magaalada Boosaaso kadib markii ciidamo katirsan Puntland ay weerar ku qaadeen gurigiisa, waxaana xiligaa lagu eedeeyay in uu abaabulay banaan baxyo rabshado watay oo ka dhacay magaalada Boosaaso.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!